SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

QARAX KA DHACAY DALKA AFGAANISTAAN.

(Kaabuul):Dalka Afgaanistaan waxaa maanta oo jimca ah(15/10/2021)-ka ka dhacay qarax lala beegsaday Masaajid eey iska leeyihiin dadka Shiicadda ah kuna yaalo koonfurta dalkaas Afgaanistaan,qaraxa ayaa dhacay waqti lagu guda jiray salaadii Jimcaha waxaaane ku dhintay dad garaayo sodon iyo todoba qofood waxaane ku dhaawacmay dad gaarayo todobaatan qofood sida eey ku soo warameen goobaha caafimaadka iyo dad goobjoogayaal ah.Masaajidka la weeraray ayaa la yiraahdaa Faatimiya waxa uuna ku yaal gobolka Kandahar,weerarka ayaa si degdeg ah waxaa u sheegtay kooxda DAACISH ee la dagaalsan kooxda Dhaalibaan.Murtaza oo ka mid ahaay dadkii ku sugnaay gudaha Masaajidka la weeraray ayaa sheegay in Masaajidka lagu soo weeraray afar qarax laba ka dhacday gudaha iyo laba ka dhacday banaanka Masaajidka waqti la dukanaayey salaadii Jimcaha,dadka Masssjidka u soo dukasha tegay ayaa lagu sheegay ineey dhammaayeen shan boqol(500)- qofood.XIGASHO WAKALADAHA.

HALKAAN KA SI AKHRI.