QARAX KA DHACAY BAKISTAAN OO LAGU DILAY…
(SAWIRKA)-GOOBTA LAGU DILAY SHIINEESKA.
(PAKISTAN)-Shan qof oo Shiineys ah oo ka shaqeynaayey dhismo Biyo-Xireen ah oo weyn ayaa lala dilay darawalkoodii maanta oo Talaada ah(26/3/24)-ka ka dib qof ismiidamiyey uu la beegsaday gaari ey saarnaayeen oo maraayey Waqooyi-Galbeed Pakistan,sidaas waxaa sheegay saraakiisha amniga Pakistan. Raga Shiineyska ah gaari ey wateen ayaa ku dhacay tog dheer oo ka baxsan wadada buuraleyda ah ee Karakoram,ka dib markii ninka isaqarxiyey uu gaarigiisa ku xiray waxyaabaha qarxa,waxaa sidaas warbaahinta la wadaagay booliska dalka Bakistaan. Dalka Shiinaha ayaa lacag aad u faran badan ku bixiyey dalka Bakistaan sannadihii ugu dambeeyey laakinse mashaariicda uu Shiinuhu bixiyo ayaa dhaliyey carro taasne waxa ey sababtay in mawaadiniinta Shiinaha ey la kulmaan weeraro gudaha dalka Bakistaan.
ISHA/AFP.