QARAX ISMIIDAAMIN AH OO KA DHACAY…
(SAWIRKA)-DADKII KU DHINTAY WEERARKII ISMIIDAAMINTA EE KA DHACAY DUGSIGA BOOLISKA.
(MUQDISHO)-Kooxda Alshabaab ayaa dib u soo cusbooneysiisay weeraradii Ismiidaaminta ahaay ey ka fulin jireen gudaha caasimadda Muqdisho iyo hareeraheeda,kooxda ayaa taariikhdu markey ahayd 21/8/2024-ka waxa ey weerar loo adeegsaday Baabuur laga soo buuxiyey waxyaabaha Qarxa la beegsadeen bar koontarool ey ku sugnaayeen ciidamadda NISA,bartaan ayaa ku tiil inta u dhexeyso Macaani iyo Tareedishe oo ka wada tirsan degmada Garasbaaleey ee G/banaadir. Todobaad ka dib kuna beegneed 28/8/2024-ka kooxda ayaa baabuur walxaha Qarxa laga soo buuxiyey ku qarxisay meel u dhaw Maqaayadda Geel Doox kuna taal dhabarka dambe ee dhismaha Guriga hooyooyinka ee ka soo horjeedo Golaha Murtida iyo Madadaaladda ee magaaladda Muqdisho, Qaraxaan ayaa waxaa ku dhintay laba gabdhood oo waxbarasho ugu socday dalka Turkiga. Maanta oo Khamiis ah kuna beegan 17/10/24-ka ayey kooxda Alshabaab waxa ey soo agaasintay weerar loo adeegsaday qof isku soo xiray waxyaabaha Qarxo,weerarka ayaa lala beegsaday Maqaayad ku tiil goob isku raran ah kana soo horjeedo Dugsiga Tababarka ee Gen.Kaahiye ee degmada Xamar Jajab,weerarkaan ayaa lala damacsanaay in lagu qaado saraakiil cusub oo loo qoraayey Ciidanka Booliska Soomaaliyeed qeybihiisa kala duwan,weerarka maanta ayaa waxaa ku dhintay dad ey ka mid yihiin Abwaan Sugaal Cabdulle Cumar, G/le.C/xakiin oo ahaay Madaxa Amniga ee Isbitaal Yerdimeli ee magaaladda Muqdisho,Hooyo Suleeqo iyo Geber ey dhashay oo seddex sano jir ahayd, tirada dhimashada guud ayaa lagu sheegay iney dhan tahay ilaa todobo qofood halka dhaawaca lagu sheegay ilaa 8-qofood.
ISHA-SB-MEDIA.MUQDISHO