QARAX CAAW KA DHACAY MAQAAYADDA BLUE SKY EE MUQDISHO.
(SAWIRKA)-AUN-WARIYE C/FATAAX MACALIIN NUUR(QEYS).
(MUQDISHO)-Wararka ka imaanyo magaaladda Muqdisho ayaa sheegaayo in halkaasi uu caawa ka dhacay Qarax culus uu fuliyey qof isku soo xiray waxyaabah Qarxa soona dhexgalay goob ey ku sugnaayeen dad shacab ah,halka Qaraxa lala beegsaday ayaa ah Maqaayadda BLUE SKY kuna taal agagaarka Hotel Xaawa Taako ee degmada Boondheere,weerar waxashnimada ayaa dadkii ku dhintay waxaa mid noqday alle ha u naxariistee Agaasimhii Tv-ga Somali Cabel ee ka hawlgala magaaladda Muqdisho AUN-C/FATAAX MACALLIN NUUR(QEYS). Qaraxaan dhacay caawa ayaa waxaa si kooban uga hadashay warbaahinta taageerto kooxda Alshabaab waxa eyna hadalkeed ku soo koobtay”Qarax ayaa lala beegsaday isu imaatin” kooxdu ma yasan bixin wax faahfaahin ah oo intaas dhaafsan balse waxaa muuqata in ayada soo agaasintay Qaraxa caawa ka dhacay Maqaayadda BLUE SKY ee magaaladda Muqdisho.
ISHA CAASIMADA.