SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

QARAMADA MIDOOBE OO KA HADASHAY DAGAALKA…

(SAWIRKA)-XERADA CEYNUL XILWE.

(BEIRUT)-Qaramada Midoobe ayaa maanta oo Jimca ah(8/9/23)-ka waxa ey baaq dirtay kooxaha reer Falastiin ee ku dagaalamaayo gudaha Xerada Qaxootiga ee Ceynul Xilwa ee dhacda Koonfurta dalka Libnaan,waxa eyna Qaramada Midoobe kooxaha isku haayo Xerada Ceynul Xilwa ka dalbatay iney baneeyaan dugsiyada ku yaalo xerada si ey halkaasi ugu shaqeeyaan hayadaha samafalka ee Qaramada Midoobe iyo haydaha kale kana hawlgala xerada.”Waxaan u soo jeedinayaa kooxaha hubaysan ee ku dhex dagaalamaayo xerada Qaxootiga ee Ceynul Xilwe iney joojiyaan dagaalka waane iney baneeyaan dugsiyada si dhaqsi ah si ey halkaasi u degto hayadda UNWRA”sidaas waxaa qoraal ahaan u soo dhigay bogga hayadda UNWRA Cimraan Riza oo ah isku duwaha degaameynta iyo samafalka u qaabilsan dalka Libnaan.

ISHA/AA.

HALKAN KA SI AKHRISO.