SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

QADAR: WAA EY SOO FARAGELIN KARTAA…

MW-XASAN SHEEKH MAXAMUUD.

(DOHA)-Dalka Qadar waxaa booqasho ku joogo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud,Madaxweynaha ayaa casuumad ka helay Amiirka Qadar Tamiimi waxaane dalka Qadar horay ugu sugnaay Wasiirul dawlaha DFS Cali Balcad iyo wafdi kale oo hordhac u ahaay booqashada Madaxweyne Xasan sheekh. Madaxwwey Xasan ayaa sheegay in dalka Soomaliya sameeyey Istaraatiijiyad ku saleysan seddex tiir oo laba weji ah si meesha looga saaro dhaqdhaqaaqa Ashabaab,MW-Xasan ayaa kooxda Alshabaab ku tilmaamay ineey tahay koox Argagixisa ah xiriirna la leh kooxda Al-Qaacidda,ka dib markii ey sii socon weyday siyaasadda xakamayn la’aanta ayagoo ku sugan gudaha dalka Soomaaliya iyo weliba siyaasadii lagu wiiqi lahaa ee ciidan ahaan loo adeegsan jiray markii hore. MW-Xasan oo sii wata hadalkiisa ayaa intaas ku daray in dooda Cilmiyeedka Xarunta Daraasaadka Khilaafaadka iyo Arrimaha Bani’adanimada oo maanta Arbaca ah lagu qabtay magaaladda Dooxa ee dalka Qadar in Istaraatiijiyada cusub ee wejiga koobaad salka ku hayso sidii loo horumarin lahaay Amniga ayadoo dadka lagu wacyi gelinaayo in dagaalka kooxda Alshabaab ey kaga soo horjeedo Dawaladda Federaalka Soomaaliyeed uusan xiriir la lahayn diinta Islaamka,lana hakiyo dhaqaalaha kooxda soo galo waxaane horumar la taaban karo laga gaaray istartiijiyadaan lagula dagaalayo kooxda Alshabaab.

ISHA WARKA ARAB.

HALKAAN KA SII AKHRISO.