SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

QAABKEE QOOR-QOOR U SHIRQOOLAY KHAYRE IYO KHIAYAANADII KA DHACDAY DHUUSAMAREE.

MAXAA HA DHACAY DHUUSAMAREEB INTA AAN FARMAAJO U SAFRIN DEGAANKAAS?

Inta uusan Madaxweyne Farmaajo tegin magaaladda Dhuusamareeb,Xasan Cali Khayre waxa uu kulamo garagaar ah iyo kuwa wadareed ahba la qaatay madaxda dawlad goboleedyada isagoo u xaqiijiyey madaxdaas in uusan marnaba taageeri doonin qorshaha Farmaajo iyo hogaanka baarlamaanka. Sidoo kale Xasan Cali Khayre waxa uu adeejiyey xildhibaano ka soo jeedo beesha uu ka dhashay iyo wasiiro ka soo jeeda dawlad goboleedka Galmudugoo ay hogaanka u hayaan Xildhibaan Mustafa Dhuxulaw iyo Senatar Dhegdheer kuwaasoo olole ka dhan ah Maxadweyne Farmaajo iyo gudoomiye Mursal ka dhex bilaabay madaxda dawlad goboleedyada oo ay ku jiraan wasiiradda,xildhibaanada iyo lataliyeyaasha madaxda dawlad goboleedyada. Waxaa habeen iyo maalin magaaladda banaankeed dalxiis loogu kexeeyn jiray madaxdas si loogu madadaaliyo loogana dhaacdhiciyo qorshaha Xasan Cali Khayre,lacagta ku baxday madaxdaas waxaa bixinaayey Xasan Cali Khayre waxaeeyna sii maraysay gacanta Senatar Dhegdheer,qaar ka mida lacagtaas ayaa la sheegay ineey ka imaan jirtay qasnada Galmudug.

Madaxweyne Axmed Qoor-Qoor oo fulinaayey qorshe uu dhigay Fahad Yaasiin ayaa u muujiyey Xasan Cali Khayre kalsooni ah inuu isaga la jiro,isla markaasne kala shaqeynaayo qorshaha uu doonaayo ee ah in laga horyimaado barnaamijka eey wataan Farmaajo iyo hogaanka baarlamaanka ee salka ku haayo mudo kordhinta. Axmed Qoor-Qoor ayaa warbixin joogta ah oo ku saabsan dhaqdhaqaaqa Khayre iyo shirarka uu la gelaayey madaxda dawlad goboleedyada u diri jiray Farmaajo iyo Fahad Yaasiin. Dhanka kale Fahad ayaa waxa uu Qoor-Qoor soo siin jiray talooyin iyo qaabka ugu fiican ee loo shirqooli karo Khayre isaga oo aan la dareensiin in lala socdo dhaqdhaqaaqiisa.

GO’AANKA IYO IYO QORSHAHA SHAQO KA CEYRINTA FAHAD YAASIIN.

Xasan Cali Khayre oo u muuqda midaan war u haynin cadawga ku hareereysan ayaa waxa uu u sheegay Qoor-Qoor iyo Senatar Dhegdheer in dhibka ugu daran uu ku haayo Fahad Yaasiin,isla markaasne uu Fahad kala wareegay awoodii saameyntii uu horay ugu lahaay Farmaajo. Kulan eey isugu yimaadeen Khayre,xildhibaano iyo ganacsato ka soo jeedo beesha Murusade oo uu hogaanka u haayo ganacsade eey ehel yihiin Khayre lana yiraahdo Maxamed C/kariin(Gaambe) ayaa lagula taliyey Khayre in sida kaliyah uu gacanta ugu haayn karo Farmaajo eey tahay inuu isku diro Fahad iyo Farmaajo shakina kala dhexdhigo. Khayre ayaa fikirkaas ah in la isku diro Fahad iyo Farmaajo waxa uu la wadaagay Qoor-Qoor waxaane la joogay Senatar Dhegdheer oo aaminsanaay inuu isaga leeyahay Qoor-Qoor. Sida ila xogogaal ah u xaqiijiyeen bogga aan ka soo qaatay qoraalkan Qoor-Qoor ayaa durbadiiba la wadaagay qorshah Khayre Fahad Yaasiin ka dibne si toos ah ugu sheegay Farmaajo. Fahad yaasiin oo aad uga caraysan qorshaha Khayre horayne shaki u qabay ayaa dhankiisa waxa uu kulano saacado qaatay la yeeshay Farmaajo isaga oo ku qanciyey in sida ugu dhaqsiyaha badan looga takhaluso Khayre haddii xataa eey suuragal tahay in la ceeyriyo Khayre inta uusan Farmaajo u dhoofin Dhuusamareeb taasoo ku beegneed bisha juulaay18-keedii.

FAHAD YAASIIN OO QALABKA WAX LAGU DHEGAYSTO U DIRAY DHUUSAMREEB.

Fahad oo aad uga carooday talaabadda uu Khayre la damacsan yahay isla markaasne aan si buuxda ugu kalsooneyn warbixinta uga timaado Qoor-Qoor ayaa waxa uu go’aansaday in xafiisyada iyo hoyga Khayre ka degan yahay magaaladda Dhuusamareeb lagu xiro qalabka la isku dhegaysto kaasoo u saamaxaya Fahad inuu dhegaysto shirarka gaar-gaarka ah uu khayre la gelaayo madaxda dawlad gobleedyada. Fahad ayaa diyaarad xamuul ahayd oo qalab loogu weday dhuusamareeb waxa uu raaciyey qalabka la isku dhegaysto. Qalabka ayaa waxaa gacantiisa ku qaaday wiil dhallinyara ah isla markaasne ah farsamayaqaan kaasoo magaciisa lagu soo koobay MAXAMED YARE. Sida loo xaqiijiyey bogga aan ka soo qaatay(XIGTAY) sheekadaan in magaca Maxamed Yare yahay mid been abuura laguna qarinaayo magaca saxda ah ee uu ku tegay Dhuusamareeb iyo inuu yahay wariye ka socdo Puntland. Imaatinka wiilkaan iyo shaqada uu qabnaayo waxaa si hoosa ula socday Qoor-Qoor oo kaliyah,dhanka kalane nin magaciisa lagu sheegay Macallin Mahdi kana soo jeedo beesha Xaaji Saleebaan balse boggaan uusan xaqiijin karin ayaa wax badan ka ogaa qorshaha Fahad laakinse isaga ayaa lagu amray wiilkaas inuu dejiyo hooy isla markaasne ka caawiyo inuu tago xarumo lagu sheegay inuu ka caawinaayo dhanka internet-ka. Tobankii cisho ee ugu dambaysay ee uu Khayre joogay Dhuusamareeb,Fahad iyo Farmaajo waxa eey si joogta ah ula socdeen dhaqdhaqaaqa Khayre iyo kooxaha u adeega ama kala shaqeynaayo qorshahaas. Ma aha kaliyah in Qoor-Qoor fududeeyey la socoshada Khayre balse waxaa weli la helin xaqiijin rasmi ah ayaa sheegayso in marmarka qaar uu Qoor-Qoor isticmaali jiray telefoonkiisa si uu warka uga duubo Khayre.

FAHAD YAASIIN OO DAGAALKA KHAYRE SOO GELIYEY GUDOOMIYE MURSAL IYO MUUDEEY.

Khayre ayaa kulan albaabada u xiran yihiin la qaatay madaxweynaha dawladda goboleedka koonfur galbeed C/casiis Lafta Gareen,kulankaas uu si toosa u dhegaysanaayey Fahad isla markaasne loo duubay Farmaajo ayuu Khayre ku cadeeyey inuu kala shaqeeyn doono Lafta Gareen inuu soo xusho xildibaanada wixii dhaqaale uu u baahdana uu isaga siin doono. Khayre ayaa sidoo kale u balan qaaday in lacag la’aanta hayso Lafta Gareen dhammaan doonto marka uu Muqdisho ku noqdo. Lafta Gareen oo ciil u qaba gudoomiye Mursal iyo ku xigeenkiisa koobaad Muudeey ayaa khayre ka codsaday inuu ka caawiyo sidii baarlamaanka looga saari lahaay labadaas nin isla markaasne loola dagaali lahaa inta aan la gaarin xiliga doorashadda. Khayre oo aad ugu faraxsan codsiga ka yimid Lafta Gareen ayaa u balan qaaday dhankiisa inuu isagu xaqiijin doono in labadaas nin aysan soo noqon amaba ay ku sii negadaan xubin ka sii haanshaha baarlamaanka federaalka soomaaliya. Dhankiisa Lafta Gareen ayaa Khayre u balan qaaday in 78-xildhibaan ee ka soo baxayso koonfur galbeed eey noqon doonaan kuwa uu Khayre gacantiisa ku soo qorto. Maalin ka hor maalintii Farmaajo u safraayey Dhuusamareeb ayaa waxaa kulan albaabada u xiran yihiin yeeshay Mursal,Fahad iyo Farmaajo ayaa Mursal loogu sheegay qorshah ka dhanka ah kana socdo Dhuusamareeb. Gudoomiye Mursal oo yaab ka soo haray ayaa ku celceliyey MA HUBTIIN IN ARRINTAAN JIRTO markaas ayaa Farmaajo ugu jawaabay cadayn ayaan haynaa oo sida aan u ogahay inaan dhimanaayo ayaan u ogahay wixii dhexmaray Khayre iyo Lafta Gareen,Mursal ayaa Farmaajo u sheegay inuu la soo tashan doono Muudeey wixii talo ama talaabo la qaadi lahaana uu dib ugula soo noqon doono isaga(Farmaajo). Bogga aan ka soo qaatay sheekadaan ma haayo cadeeymo muujinaayo in Lafta Gareen Farmaajo la wadaagi jiray waxa eey kuwa wada hadleen isaga iyo Khayre,balse ilo muhiim ah ayaa sheegay in Lafta Gareen iyo Farmaajo iska warqabeen Khayre-ne ahaay mid loogu heshiiyey in lagu rido shirqool siyaasadeed.