PUNTLAND OO XUKUNTAY SHAN SARKAAL.
(SAWIRKA) SARAAKIIL LAGU XUKUMAY PUNTLAND.
(GARAWE)-Wararka imaanayo caasimadda maamulka Puntland ee Garawe ayaa sheegaayo in Maxkamadda Ciidamadda ee Puntand ey Xukuno kala duwan ku riday Saraakiil ka tirsan Maxkamadda Ciidamadda kuwaaso loo haysto iney galeen dembiyo Musuq-maaasuq ah. Dacwadaan ayaa waxaa u fariistay Maxkamadda Darajadda koowaad ee Goboladda Sool iyo Nugaal ee maamulka Puntland,waane kiis ciqaabeed loo haysto shan Sarkaal kalana ah:
(1)-Gaashaanle Dhexe Keenidiid C/casiis, Ina Sahro Maxamed Cali, 39-jir ah ku dhashay Jamaame,degan Garawe.
(2)-Gaashaanle Dhexe C/raxmaan Warsame Jaamac, Ina Caasho Aden Ciise, 54-jir ah, ku dhashay Garawe, degan Garawe.
(3)-Gaashaanle Sahal Cabdi Cartan, Ina Xaliima Axmed Maxamed, 38-jir ah, ku dhashay Muqdisho, degan Garawe, dhammaan seddexdaan sarkaal ayey Maxkamadu ku xukuntay midkiiba shan sano Xabsi ciidan ah. Waxaa jiro laba Sarkaal oo iyagana la xukumay waxa eyna kala yihiin:
(1)-Gaashaanle C/weli Maxamed Maxamuud, Ina Mako Faarax Cali, 51-jir ah, ku dhashay Gaalkacyo,degan Garawe.
(2)-Gaashaanle Sare Aden Cali Maxamud, Ina Saafi Boos Cawad, 60-sano jir ah, ku dhashay Buuhoodle, degan Garawe. Labadaan sarkaal ayaa iyagane lagu wada Xukumay min laba sano oo xabsi Ciidan ah. Maxkamadda ayaa xuriyadiisa waxa ey dib ugu soo celisay Gashaanle dhexe Maxamed Cismaan Jaamac, Ina Xaawo Faarax Cali, 50-jir ah, ku dhashay Garawe,degan Garawe. Saraakiishaan la Xukmay maanta ayaa sddex iyaga ka mid ah waxa ey ahaayeen Garsoorayaal ka tirsan Maxkamadda Ciidamadda,laba ka mid ahne waxa ey Maxkamadda Ciidamadda Puntland ka ahaayeen Xeer ilaaliyeyaal,halka laga soo raacay saraakiishaan ayaa ah xukun ey ku rideen Bucad badeed Maxkamadda la horkeenay,inta aan la xirin ka hor ayaa waxaa looga yeeray Madaxtooyadda Puntland si ey ula kulmaan Madaxweyne Deni iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland. Masuuliyiintaan ka wada tirsan Maxkamadda Ciidamadda Puntland oo aan laga qaadin Xasaanadda ayaa xabsiga la dhigay. Sida uu sheegay Qareen Mustafa oo ey u wakiisheen inuu difaaco balse aan la siin Eedeymaha loo haysto dadka uu wakiilka ka yahay ayaa sheegay in Saraakiisha ka tirsan Maxkamadda ciidamadda laguna soo Eedeyey Musuqa ayaan helin cid u doodo kana difaacdo Eedeymaha loo heesto,waxaane la xukumay iyagoo aan helin cadaaladdii ey baahnaayeen. Dacwadaan ayaa u muuqato mid laga leeyahay dano gaar ah,waxaane wadato Xukuumadda Puntland ee u Hogaaminaayo Deni,waraysi uu bixiyey Qareen Mustafa ayuu ku tilmaamay in dadka reer Puntland ey u baahan yihiin cadaaladda taaso aan oolin Adduunka balse taalo Aakhiro.
ISHA/SBMEDIA.