SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

PUNTLAND OO SOO BANDHUGTAY AGABKII…

(SAWIRKA)-AGABKII DAACISH EE LA QABTAY.

(BOSASO-PL)-Wararka aan ka heleyno caasimadda Gobolka Bari ee Dawlad Goboleedka Puntland ee Boosaaso ayaa sheegaayo in halkaasi ey ciidamadda maamulkaas ey ku dileen dhagarqabe ka tirsan kooxda Daacish ee ka dagaalanta Buuraha Boosaaso. Ninkaas ajnabiga ah ey ciidamadu dileen ayaa ku hawlanaa diyaarinta Qarax lagu waxyeeleyo shacabka degan Degmada Boosaaso ee DG Puntlanda. Ciidamadda ayey suurtagashay iney tagaan hoygii uu magaaladda Boosaaso ka deganaa ninkaasi ajnabiga ah ee la dilay,waxaane la soo qabtay mid kale oo ku dhaawacmay weerar ey ciidamada amaanka Puntland ey ku qaadeen hoyga uu degnaay ninka la toogtay,waxa eyna halkaasi ka soo heleen qalab fara badan oo lagu diyaarinaayey Qaraxyo la doonaayey in waxyeelo loogu geysto shacabka degan degmada Boosaas ee Gobolka Bari. Dhinaca kale, Ciidamadda Booliska Gobolka Nugaal ayaa soo bandhigay laba nin oo Itoobiyaan ah kuwaaso habeen xalay lagu qabtay caasimadda Garawe ka dib markii la arkay mid ka mid ah oo xiran dharka dumarka,waxaane hadda baaritaan ku wada Hayadda Dembi Baarista u qaabilsan Booliska Gobolka Nugaal si loo hubiyo kiiskooda. Puntland ayaa hadda wajahaysa xaalad Amni oo aad u adag ka dib markii masuuliyiinta DG Puntland ey iclaamiyeen dagaal ka dhan ah kooxaga ALshabaab iyo Daacish ee ka hawlgala degaanadda Puntland. Shalay ayey ahayd markii Gen.Fu’ad Xanaano ey la kacday Miino dhulka lagu aasay,waxaane soo gaaray dhaawac aad u culus sida ey sheegeen ehelkiisa. DG Puntland ayaan weli si buuxda u helin Qalabka lagu baaro Miinadda waxaane la sheegayaa in maamulka uusan midaas ku derin xisaabkiisa dagaalka uu Iclaamiyey.

ISHA=SB-MEDIA.