PUNTLAND OO KA JAWAABTAY ERYIDA QUNSULIYADDA ITOOBIYA.
(SAWIRKA)-MW-SICIID DENI.
(MUQDISHO)-Wararka laga helaayo magaaladda Garawe ee ah caasimadda maamulka Puntland ayaa sheegaayo in maamulkaasi uu ka soo jawaabay Xiritaanka ey Dawladda Federaalka ey maanta xirtay Qunsuliyadaha Dawladda itoobiya ey ku leedahay magaalooyinka Hargeysa iyo Garawe,arrintaan ayaa timid ka dib markii dawadda Itoobiya iyo maamulka Puntland ey kala saxiixdeen heshiisyo taabanaayo dhinacyo kala duwan sida Amniga,Waxbarashada iyo Tamarta,heshiiskaan ayaa waxa uu ka careysiiyey Dawladda Federaalka Soomaaliya waxa eyna ku tilmaantay inuu yahay mid loogu xadgudbay jiritaanka Dawladnimada Soomaaliya iyo madax bananideeda. Madaxtooyada Puntland ayaa qoraal ey soo saartay ku tiri”Dawladda Puntland iyo dawladda federaalka Itoobiya waxaa ka dhexeeyo xiriir soo jireen ah iyo iskaashi qoto dheer oo ku slaeysan dhaqan dhaalaha,amniga iyo isu socodka bulshada”
ISHA/CAASIMADDA.