SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

PUNTLAND OO KA CABANAYSA MASHAARIIC LA’AAN.

(SAWIRKA)-WASIIRKA ARRIMAHA GUDAHA PUNLAND JUXA.

(GARAWE)-Tan iyo markii dib loo doortay Madaxweyne Siciicd C/laahi Deni uuna soo dhisay xukuumad cusub kana kooban ilaa konton iyo todoba wasiir ayaa hadda waxaa soo ifbaxaayo warar sheegaayo in maamulka Puntland ey soo food saartay horumar la’aan dhinaca Mashaariicda ah iyo shaqo la’aan baahsan oo ka jirta Puntland. Arrintaan ayaa waxaa si cad uga hadlay laba Wasiir oo midkood dib ugu soo laabtay Xukuumadda cusub midne uu ka tirsanaay xukuumadii hore,Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Cabdi Faarax Juxa ayaa sheegay iney maran yihiin Akoonada Hayadaha Mashaariicda ka fulin jiray Puntland. Wasiir Juxa ayaa rajo xumi weyn ka muujiyey helitaanka taageeradda beesha caalamka ey Puntland ka heli jirtay wuxuuna sheegay in DFS ey arrinkaasi masuul ka tahay iney hoos u dhacaan Mashaariicda Puntland ka socon jirtay isagoo sheegay in DFS ey cunaqabateyn dhinac kasta ah ku soo rogtay Puntland.

ISHA/HIIRAAN.

RIIX HALKAN.