SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

PUNTLAND OO CABURINAYSA SAXAAFADDA.

(SAWIRKA)-WARIYE MAXAMUUD JAMAAL DOOXA.

(BOOSAASO/GARAWE)-Wararka ka imaanayo magaalooyinka Garawe iyo Boosaaso ee maamulka Puntland ayaa sheegaayo in halkaasi ey ka jiraan iska hor imaadyo u dhexeeyo ciidamo ka wada tirsan Hayadaha Amniga ee maamulka Puntland. Hayadda Amniga ee loo yaqaano PSF-ta kana hawlgasha Puntland ayaa waxaa Hogaamiyo Gen.Asad Diyaano,hayadaan ayaa hadda waxa ey u muuqataa iney tahay mid ey kala tageen ayada iyo maamulka uu Hogaamiyo Madaxweyne Siciid C/laahi Deni ka dib markii Gen.Asad Diyaano uu ka mid noqday Wafdi balaaran oo ka socday Mucaaradka Puntland ey gaareen caasimadda Muqdisho dhawr maalmood ka hor. Ma aha markii ugu horeysay ey is qabtaan Gen.Asad Diyaano iyo MW-Deni oo horay ayuu Madaxweyne Deni waxa uu weerar hubaysan ku qaaday Gen.Diyaano oo ku sugnaay magaaladda Boosaaso halkaasne waxaa ka dhashay dhaawac iyo dhimasho soo kala gaaray labada dhinac,maamulka Puntland ayaana ku guuleysan hadafkiisii ahaay inuu Gen.Asad ka saaro magaaladda Boosaaso. Maxaa hadda ka taagan Boosaaso iyo Garawe? Duhurnimadii maanta Arbaca ah askar ka tirsan ciidanka PSF-ta ayaa weerar xoogan waxa ey ku qaadeen Saldhiga Booliska ee magaaladda Boosaaso waxa eyna halkaasi ka furteen laba askeri ey afduubeen ciidanka loo yaqaano PMPF-ta ee ka amar qaata wiil uu adeer u yahay MW-Deni lana yiraahdo C/rabbi,dagaal oo in kooban socday laguna furtay askartii labada ahayd ayaa waxaa ku dhaawacmay laba askeri oo ka tirsan Booliska Puntland iyo qof shacab ah. Dhinaca kale,waxaa muddo dhan laba maalmood ah Xabsig magaaladda Garawe ku xiran Madaxa Warbaahinta Hayadda PSF-ta Wariye Maxamuud Jamaal Dooxa,xirigga Wariye Maxamuud ayaa la sheegay inuu ka dambeeyo Taliyaha haysta PMPF-ta Puntland C/rabbi,lama yaqaano sababta loo xiray wariye Maxamuud mana la horkeenin cadaaladda ilaa hadda,balse waxa ey u eg tahay mid salka ku hayso Gen.Asad Diyaano oo gaaray Muqdisho iyo arrimo siyaasadeed oo ka jira maamulka Puntland waqtigaa la joogo.

ISHA/SB-MEDIA.