SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

PUNTLAND MEEYEY SHACABKEEDII?

(SAWIRKA) MW-SICIID C/LAAHI DENI.

(PUNTLAND)-Maamulka Puntland iyo kan Somaliland waxa ey ka mid yihiin maamuladda ugu faca weyn marka loo fiiriyo maamuladda hadda ka jiro dalka Soomaaliya waqtigaan la joogo,maamuladda dhismay balse aan weli cagahooda si fiican aan isugu taagan ayaa waxaa ka mida Galmudug,Hirshabeele,Koonfur Galbeed iyo Jubbaland,marka laga reebo Somaliland oo ayadu sheegay iney tahay Dawlad ka Madax banaan Soomaaliya inteeda,maamuladda intooda kale waxa ey hoos tagaan Dawladda Federaalka Soomaaliya. Maamulka Puntlanda oo hadda dhisan in ka badan labaatan sano ayaa hadda waxa uu la daalaa dhacayaa dhibaatooyin dhaqaale oo saameeyey dhinacyo fara badan kana tirsan maamulkaas,tusaale ahaan Ciidamadda,Shaqaalaha iyo hayadaha kale ee hoostaga maamulka Puntland ma aysan qaadan Mushaaraadkoodi in ka badan lix bilood waxaane intaasi dheer in maamulka Puntland uu lunsaday dhaqaale loogu talagalay in lagu dhiso garoonka diyaaradaha Bossaaso,dhaqaalahan ayaa waxaa bixisay Dawladda Imaaraatka Carab(UAE).

ISHA/CAASIMADDA.

HALKAN KA SII AKHRISO.