SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

PARIS:DADKII KU DHINTAY KANALKII INGIRIISKA OO….

(PARIS):Sida eey sheegtay xeer ilaalinta dalka Faransiiska maanta oo ah Talaado(14/12/2021)-ka waxaa la ogaaday lix iyo labaatankii(26)-kii muhjiriin oo bishii la soo dhaafay ee Nofembar-2021-ka ku dhinteen kanaalka Ingiriiska,dadkaas geeriyooday ayaa waxaa ka mida todobo(7)-dumar ah, hal qof oo dhllinyaro iyo geber todobo(7)-jir ah,shilkaan dhacay bishii la soo dhafay kana dhacay Kanaalka Ingiriiska ayaa la sheegey ineey ugu yaraan ku geeriyoodeen dad gaaraayo ilaa todobo iyo labaatan(27)-qofood kuwaasoo isku dayaayey ineey galaan dalka Ingiriiska,baarayaasha dhacdadaan murugada leh ayaa sheegay ineey ogaadeen dhalashadda dadka dhintay waxa eeyna ku kala sheegeen lix iyo toban(16)-qofood oo Kurdiyiinta Ciraaq ah ayaan ku jiraan afar dumar ah,qof lix iyo toban jir ah iyo gabar todobo jir ah,dhibanayasha waxa kaloo ka mida Kurdiyiin Iraan ah,seddex itoobiyaan ah oo laba yihiin dumar,haweeney soomaali ah,afar nin oo afgaanistaan ah iyo hal nin oo masri ah.ISHA AP.

HALKAAN KA SII AKHRI.