SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

PARIS OO LAGU MAXKAMADEYNAAYO RAG WEERAR KA GAYSTAY.

Maalintii arbacada ayaa waxaa magaaladda Paris ee dalka Faransiiska ka bilaabatay dacwad loo haysto dad gaaraayo labaatan qofood oo qeyb ka ahaay weerarkii lagu hoobtay ee ka dhacay magaaladda Paris sannadkii 2015-kii,weerarkaas aragagixiso ayaa waxaa ku naf waayey boqol iyo soddon qofood(130),hadaba waragyska ayaa isweydiiyey yaa ku eedaysan weerarkaan?Waa kuwee kuwa lagu tuhmaayo ineey gaysteen?Maxay mudan doonaan haddii lagu helo dembi? Dacwadaan loo haysto labaatanka qofood ayaa waxaa gacanta lagu hayaa kow iyo toban ka mida oo xiran,seddex kale waa eey soo fariisan doonaan maxkamadda ayagoo la ilaalinaayo mase xirna. Lix ka mida raga geystay weerarka lagu hoobtay waxaa la xukumaa ayagoo maqan,shan kalane waxaa la rumaysan yahay ineey dhinteen waxa eeyna ku dhinteen dagaalkii(ISIS) ee ka dhacay inta u dhexeyso Ciraaq iyo Suuriya qofka soo lixeeyo shantaan dhimatay ayaa ah Axmed Dahmani oo dalka Turkiga uu ku xukumay toban sano oo xarig ah ka dib markii lagu eedeeyey argagixisonimo iyo been abuur,dawladda Turtkiga ayaa diiday in Axmed loo soo wareejiyo magaaladda Paris si halkaas loogu maxkamadeeyo.XIGASHO RADIO FARANCE INTERNATIONAL.

RIIX HALKAAN.