SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

PAKISTAN OO QABATAY DAGAALYAHANO KA TIRSAN ZEYNABIYUUN.

(SAWIR)-KA. MALEESHIYAADKA ZEYNABIYUUN.

(PAKISTAN)-Waaxda la dagaalanka Argagixisadda ee Booliska Gobolka Sindh ayaa ka warbixisay soo qabashada lab nin oo hubaysan kana tirsan maleeshiyaadka taabacsan dalka Iraan ee “Guutada Zeynabiyuun”ee ku sugan caasimadda Gobolka Krachi ee Koonfurta dalka Pakistan. Qeybta Pakistan ee Radiyaha Xorta ah ee Yurub(Radio Marshal) ayaa ku wraantay in madaxa laanta laanta booliska Sindh Asif Ijaz Sheekh uu shir jaraa’id uu ku qabtay magaaladda Krachi kaga dhawaaqay qabashada labdaan nin ee hubaysan maanta oo Khamiis kuna beegan 16/5/2024-ka. Waxa uu intaas ku daray in “Eedeysanayaasha lagu soo tababaray dalka Iraan,amar ka soo baxay baxay sirdoonka Iraan ayaa faraayo kooxdaan iney beegsadaan Culamaa’udiinka dalka Pakistan iyo xubno ka tirsan kooxo diimeedka iyaga(Zeynabiyuun) ka soo horjeedo kuna sugan Krachi. Wasil Asif Ijaz Sheekh ayaa daaha ka qaaday magacyadda Eedeysanayaasha waxa eyna kala yihiin: (1)-Waqar Cabaas. (2)-Xuseen Akbar,oo degan Gobolka gilgit-Baltistan ee dalka Pakistan,wuxuuna ku eedeeyey iney dileen 17-qofood oo Culima’udiin aheyn 11-kale ey ku dhaawaceen rasaas gudaha magaaladda Krachi bishii Sebtembar ee sannadkii hore ilaa 221-Feberaayo ee sannadkan-2014-ka. Sida laga soo xigtay “Radio Marshal”taliyaha Booliska Krachi Raja Cumar KHan Khadhaabayaa ka qeybgalay shirka jaraa’id maanta oo khamiis ah,Karachi wuxuuna yiri”Kooxdaan Krachi waxaa hogaaminaayo Sayid Xuseen Musaafi”oo lagu naaneyso”Muslimka” wuxuuna u shaqeeyaa sida urur sirdoonoo rayid ah. Sida laga soo xigtay saraakiil ka tirsan booliska Pakistan,waxaa la aqoonsaday magacyadda 23-xubnood oo ka trsan kooxda hubaysan ee Zeynabiyuunta ee ey Iraan taageerto ee Krachi,waxaane la bilaabay hawlgalo lagu soo qabanaayo. Guutada Zeynabiyuunta oo ka kooban Shiicadda Pakistan iyo Guutadda Fatamiyuun oo ka kooban Shiicadda Afgaanistaan ayaa ka mid ah kooxaha ey Iraan u adeegsato colaadaha Gobolka gaar ahaan Suuriya. Maraykanka ayaa cunaqabateyn ku soo rogay labadaan kooxood tan iyo sannadkii 2019-kii iyagoo lagu eedeeyey “Aragagixisanimo”

ISHA/AN.