SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

OGOW DAGAALKII AWDHEEGLE YAA ALSHABAAB UGA DHINTAY?

(SAWIRKA)-KOOXDA ALSHABAAB.

(SOMALIA)-Dhawr maalmood ka hor ayey ahayd markii kooxda Alshabaab ey weerar seddex geesood ah ey ku soo qaaday saldhig ey deganaayeen ciidamadda DFS kuna yiilay degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeelada Hoose ee maamulka KGS,kooxda Alshabaab ayaa sida caadada u ahayd waxa ey weerarkooda ku bilaabeen iney baabuur ey saaran yihiin waxyaabaha Qarxa ku dhufteen albaabka hore ee saldhiga CXDS ka dibne waxaa bilawday dagaal fool ka fool ah una dhexeeyey maleeshiyaadki kooxda Alshabaab iyo ciidamadii ku sugnaay saldhiga. Markii uu dagaalku socday in mudda ah ayaa waxaa gurmad helay CXDS gurmadkaaso ahaay mid cirka iyo dhulka ah waxaane kooxda Alshabaab halkaasi ka raacay jabkii ugu xumaayey abid ee soo gaara intey la dagaalmaayeen CXDS,hadaba Hayadda Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa soo saartay magacyada iyo xilalka ey ka dhex haayeen kooxda Alshabaab horjoogayaal ku dhintay weerarkii Awdheegle.

ISHA CAASIMADDA.

HALKAN KA SI AKHRISO.