ODAY 70-JIR AH OO U SHAQEYNAYEY ALSHABAAB OO LA XUKUMAY.
(SAWIR)-KA. EEDEYSANE CALI XUSEEN OO KA SOO MUUQDAY MAXKAMADDA G/BANAADIR.
(MUQDISHO)-Tan iyo markii ey burburtay dawladdii dhexe ee Soomaaliya dalka Soomaaliya waxaa isaga soo qulqulaayey kooxo aan la aqoon waxa ey yihiin iyo ujeedkood waxa uu yahay,inta badan kooxahaas soo galay dalka Soomaaliya wixii ka dambeeyey burburka ayaa intooda badan waxa ey Ummaad Soomaaliyeed ugu soo gambadeen dhinaca uu shacabka Soomaaliyeed ugu nugul yahay waxna looga dhammaysan karo waane dhinaca DIINTA ISLAAMKA. Arrintaan ayaa si cad waxa ey banaanka u timid ka dib markii ey ciidamadda Xabashida ey soo galeen magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho waxaane halkaasi ka abuurmay kooxo la magac baxay Muqaawamo kana soo horjeestay ciidamadda Xabashidda ee soo galay dalka,kooxahaan Muqaawamadda ayaa si aad ah u kala aragtid duwanaay balse ka mideysnaay la dagaalanka Xabashidda. Markii muqaawamadda ey u diideen ciidamaddii Xabashida iney degaan caasimadda Muqdisho ayey bilaabeen iney dadkii degnaay caasimadda Muqdisho iney ku soo rogaan amaro iyo iney ka qaadaan Canshuur aan la garanayn halkaa ey u socoto. Kooxda ALshabaab oo halkaasi ka timid ayaa waxa ey si xoog ah kula wareegtay awooda Goboladda Koonfureed ee Soomaaliya intooda badan waxayne isku balaariyeen dhulka muhiimka u ah wax soo saaraka dalka Soomaaliya. Si kooxdaan u sii jirto waxa ey abuuratay dad fara badan oo ayada u shaqeeyo maalgashine ey ku sameeysay,waxaane dadkaasi ka mid ah Cali Xuseen Isaaq oo 70-jir ah oo maanta ka soo hor muqqday Maxkamadda Gobolka Banaadir,Cali ayaa kooxda u qaabilsanaay kala gudbinta lacagta ey kooxdu ku hawlgasho,sida uu sheegay Xafiiska Xeer ilaaliyaha Qaranka ninkaan Odayga ah ayaa Akoonkiisa waxaa ALshabaab loo dhex marsiiyey dhaqaale dhan ilaa Hal Milyan oo doolarka Maraykanka,waxaane jiri kara kuwa kale oo isaga la mid ah balse weli aan soo gelin gacanta DFS, Oda Cali oo 70-jira ayey Maxkamadda G/banaadir ku heshay laba dembi oo kala ah Lacag dhaqidda waxa uuna ku muteystay seddex sano oo xabsi ah halka dembiga kale ee ah Maalgelinta Argagixisadda isagana uu ku muteystay xabsi dhan afar san,isku darka labada dembi ayuu Eedeysane Cali Xuseen Isaaq ku muteystay xabsi dhan 7-sano oo xabsi ah iyo ganaax dhan ilaa $3000,oo doolarka Maraykanka ah.
ISHA/SB-MEDIA.