SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

TURKIGA OO SHEEGAY IN SIRDOONKA IIRAAN KA DAMBEEYEEN AFDUUBKII KA DHACAY ISTANBUUL.

Dalka Iraan waxa uu ka mid yahay dalalka eey aad u sareeyso xirfadda sirdoonkooda gaar ahaan kuwooda ka hawlgala dibadda dalka ee ugaarsada mucaaraddaka dalka Iraan,waxaane inta badan dhacda ineey isku dhacaan sirdoonadda dalalka horumaray sida sirdoonka Maraykanka oo eey ka dhexeeyso colaad aan kala go’o lahayn,waxaase hadda soo ifbaxday horayna aan loo ogayn in sirdoonka Iraan kana hawlgala dibadda dalka Iraan uu hawla sirdoon oo aad baaxad weyn ka fuliyaan wadamadda deriska la ah Iraan sida Turkiga oo eey saaxib dhaw yihiin iyo dalka Ciraaq oo eey ku leeyihiin taageerayaal fara badan. Iraan ayaa dalka Ciraaq waxa eey ka afduubteen nin Iraani ah kana mida ah mucaaradka dalkaasi Iraan kuna noolaay dalka Faransiiska lana yiraahdo RUHOLLAH ZAM,ninkaan ayaa ahaay saxafi waxaane lagu xukumay dil kaasoo lagu fuliyey Sabtigii la soo dhaafay.

Xabiib Shacab waa Iraani mucaarad ku ah dawladda Iraan kuna noolaay dalka Swden waxa uuna Xabiib u soo safray dalka turkiga bishii oktoobar ee sannadkaan-2020, Xabiib ayaa la waayey ka dib imaashihiisa Turkiga gaar ahaan magaaladda Istanbuul,dawladda Turkiga ayaa waxa eey bilawday baaritaan la xiriira Shacab halka uu ku dambeeyo waxa eyna ogaatay in loo afduubay dalkaas Iraan lagan talaabiyey xuduuda labada dal u dhexeeyso,Tiurkiga ayaana gacanta ku soo dhigay dad fara badan oo la xiriirinaayo ineey arrintaan ku lug leeyihiin waxaane ka mid ah gabar la sheegay ineey tahay midii ugu arag dambaysay Shacab loona malahaayo ineey siisay waxyaabo miirka ka qaaday si loogu safriyo dalkaas Iraan. XIGASHO TRT.

HALKAAN KA AKHRISO