UGAANDHA OO MASAAFURISAY…
Bishii la soo dhaafay ayey ahayd markii la xiray madaxii wakaaladaha wararka caalamiga ah laguna haayey xabsiga maalmo ka dib markii lagu eedeeyey inuu u gefay sarkaal boolis ah markii lagu guda jiray doorashadii 2016-kii.
Ugaandha ayaa dalkeeda ka masaafurisay wariyeyaal u shaqeynaayey warbaahinta dalka Kanada iyo Tv-ga CBS, wariyeyaasha ayaa ku sugnaay dalka Ugaandha si eey halkaas uga tebiyaan wararka la xiriiro doorashadda ka dhacayso dalka Ugaandha sannadka soo socdo 2021-ka, wariyeyaasha la masaafuriyey ayaa kala ah” Margaret Evans,Lily Martin,Jean-Francios Bisson iyo sawirqaade”. Ms.Evans ayaa baraha bulsahdda waxa eey soo dhigtay in ayaga oo wariyeyaal ah la xiray todobaadkii tegay eeyna xireen sarakiil ka tirsan waaxda socdaalka dalka Ugaandha,waxa eeyna xirnaayeen muddo dhan toban cisho ka hor inta aan la masaafurin.
Mr.Jacob Simuni oo ah afhayeenka wasaaradda arrimaha gudaha dalka Ugaandha ayaa diiday inuu sharaxaat ka bixiyo sababta wariyeyaasha u dhashay dalka Kanada loo masaafuriyey. XIGASHO WAKAADAHA.