NOORWEEY OO DIB U CELISAY…
(SUURIYA):Dalka Noorweey ayaa dib u qaaday caruur ku jirtay xeradda Al-Hol ee ku taalo waqooyi-bari dalka Suuriya shalay oo Isniin ahayd,sida la sheegay waxaa jiro dukumintiyo eey wada saxiixeen maamulka xeradda Al-Hol ee ah Kuriyiinta iyo xukuumadda Noorweey.Sida eey sheegtay hayadda u dooda xuquul insaanka ee loo yaqaano Human Rights Watch(HRW) ku dhawaad laba iyo toban kun(12,000) oo caruur iyo dumar ah asal ahaana ka soo jeedo dalalka Ciraaq iyo Suuriya ayaa ku nool xerooyinka Al-Hol iyo Al-Roj kuwaaso xaaladooda nololeed eey ka deyriyeen kuwa u dooda xuquuqda dadka.Xerooyinkaan ayaa waxaa maamulo kuwa la tuhmaayo ineey yihiin dagaalyahano Daacish ah,waxaane ku hoos nool qaxooti dhulka eey haystaan Daacish waxane jirto in caruur yaryar oo da’adooda dhan tahay toban iyo laba sano iyo kuwa eey shan sano yar tahay da’adooda ku jiraan xeradaas sida eey sheegtay HRW.ISHA MEE