NOORWEEY IYO QADAR OO EEY KA DHEX TOLAN TAHAY.
(NOORWEEY):Dalka Qadar waxa uu ka mid yahay dalalka faraha kula jira arrimaha siyaasadda Soomaaliya waxa uuna mar walba ka shaqeeyaa in hogaamiyeyaasha siyaasadda ee Soomaaliya ineey noqdaan kuwa ka yimid dhinaciisa oo isaga taageersan siyaasad ahaan,dhinaca kalane Qadar uma aragto faragelinta eey ku hayso siyaasadda Soomaaliya ineey khalad ku tahay oo waxa eey ugu muuqataa wax iska caadi dal kastana lagu sameey karo,hadaba dalka Qadar maxaa ka dhacay oo lid ku ah xuriyadda saxaafadda,maxayse ayadda u aragtay waxa dhacay?
Ciidamadda amaanka dalka Qadar ayaa xiray laba saxafi oo u dhashay dalka Noorweey kana socday Tv-ga eey leedahay dawladda Noorweey mudo dhan sodon daqiiqadood,waxa eeyna tirtireen ciidamadda ammaanka dalka Qadar dhammaan wareysiyaddii iyo muuqaaladdii eey ka soo qaadeen shaqaalaha ajnabiga ah ee ka shaqeeyo garoomadda la rabo in lagu qabto cayaaraha kubadda cagta adduunka sannadka 2022-ka.Saxafiyiinta reer Noorweey ayaa isku dayey ineey warbixinka maqal iyo muuqaal ka sameeyaan shaqaalaha ajnabiga ah kana shaqeeyo dhismayaasha garoomadda loo diyaarinaayo in lagu qabto koobka kubadda cagta adduunka ka dibne eey ugu gudbiyaan xiriirka kubadda cagta adduunka ee FIFA.Dalka Qadar ayaa ku eedeyey saxafiyiinta reer Noorweey ee ka socday Tv-ga dawladda(NRK) Halvor Ekeland iyo Lokman Ghorban ineey ku xadgudbeen dhul gaar ah filimana ka qaadeen ayagoo aan fasax u haysan.Labada saxafi ee reer Noorweey ayaa maanta oo Arbaca ah(24/11/2021)-ka waxa eey dib ugu laabteen dalkoodii Noorweey,xiridda labadaan saxafi ayaa hurisay dhibaato siayaasadeed oo ka dhex qaraxday dalalka Noorweey iyo Qadar,wakaaladda wararka Noorweey(NTB) ayaa sheegtay in safiirka dalka Qadar ee jooga Noorweey looga yeeray wasaaradda arrimaha dibadda si wax looga weydiiyo arrintaan.Raysal wasraaraha dalka Noorweey Jonas oo ka hadlay xiridda saxafiyiinta reer Norweey ayaa xiridooda ku sheegay ineey tahay midaan la aqbali karin.ISHA AP.