NISA OO QABATAY GUDOOMIYE HORE EE DEGMADA DHARKINLEY.
(SAWIRKA)-GUDOOMIYIHII HORE EE DEG/DHARKINLEY.
(MUQDISHO)-Wararka ka imaanayo caasimadda Muqdisho ee dalka Soomaaliya ayaa shegaayo in Hayadda Sirdoonka Qaranka ee NISA ey gacanta ku dhigtay Gudoomiyihi hore ee degmada Dharkinley Abukar Axmed Cadaw oo ka tirsanaay kooxda Alshabaab kaaso in mudda ah ku dhex dhuumanaayey Hayadaha Dawladda. Dhagar qabe Abukar ayaa intii u dhexeysay 2015 ilaa 2019-kii soo noqday Gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda degmada Wadajir ee G/banaadir, sidoo kale 2019 ilaa 2020-kii waxa uu gudoomiye ka soo noqday degmada Dharkinley isagoo kooxda Alshabaab kala shaqeyn jiray fududeynta falalka Amni darro oo ey kooxda Alshabaab ka sameyso Gobolka Banaadir iyo caasimadda Muqdisho. Xogta Hayadda NISA ey heshay waxa ey cadayneysaa in dhagar qabe Abukar Axmed Cadaw uu Alshabaab ku biiray intii u dhexeysay 2013-kii ilaa 2014-kii, waxa ey kooxda Alshabaab tababar sirdoon Abukar ku soo siiyeen magaaladda Baraawe ee G/shabeeladda Hoose isagoo kooxda ka caawini jiray gudbinta xogta saraakiisha iyo xafiisyada dawladda iyo fududeynta dhagarta kooxda Alshabaab. Hayadda sirdoonka Qaranka ee NISA oo heshay xogta dhagar qabahaan ayaa dabagal ku haysay mudooyinkii u dambeeyey waxaane ugu dambeyn lagu guuleysatay in taariikhdu markeey ahayd 4/3/2024-ka Abauukar laga qabto Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aden Cadde ee magaaladda Muqdisho isagoo ka yimid dalka Kenya. Hayadda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka(NISA) waxa ey ka digaysaa in cid kasta oo la shaqeysa Alshabaab in maalin la soo qaban doono,waxaane hayadda ka go’an adkaynta nabadgelyadda Muwaadinka Soomaaliyeed.
ISHA/NISA.