SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

NISA OO QABATAY GACANYARIHII MAHAD KARATEEY.

(SAWIRKA)-GACANYARIHII MAHAD KARATEEY.

(MUQDISHO)-Wararka ka imaanayo magaaladda Muqdisho ee caasimada ah ayaa sheegaayo in magaaladda lagu qabtay mid ka mida xubnihii gacanyaraha u ahaay Hogaamiyaha kooxda Alshabaab Axmed Diiriye. Horjoogahaan la qabtay ayaa lagu magacaabaa Muxyadiin C/salaam Maxamuud waxa uuna ku magac dheer yahay(Muxyadiin Daqare),waxaane maanta oo sabti ah magaaladda Muqdisho ku soo bandhigtay Hayadda Sirdoonka Qaranka ee NISA,ninkaan la qabtay ayaa qirtay inuu ka tirsanaay kooxda Alshabaab lana shaqeynaayey Horjoogaha ugu sareey kooxda Alshabaab Axmed Diiriye(Abu-Cubayda). Daqare inta uu ka tirsanaay kooxda Alshabaab waxa uu ka soo dagaalamay Goboladda Baay,Galgaduud,Mudug iyo Shabeeladda Hoose,balse inta badan waxa uu ku sugnaay magaaladda Jilib ee Gobolka Jubadda Dhexe oo xarun u ah kooxda Alshabaa waane halka Gobol ee dalka Soomaaliya ka mid ah ey kooxda Alshabaab maamusho degmooyinkiisa.Dhinace kale,warar ayaa sheegaayo in ninkaan NISA soo bandhigtay in laga soo qabtay guri ku yaalo tabeelaha Sheekh Ibraahim ee duleedka Muqdisho waxaane gurigaas ku sugan Aabihiisa oo xaunnsanaayo lana joogay guri uu iska leeyahay ninka la qabtay adeerkiis,Gabar magaceeda lagu sheegay Xaawo Maxamed Dhengad oo la ilma adeer ah ninka la qabtay ayaa ku haysay gurigaas adeerkeed oo dhalay dhinka ey NISA qabatay. Muxyadiin ayaa ahaay nin gacanyare u ahaay Mahad Karateey oo ah ninka Alshabaab u qaabilsanaay Sirdoonka amaba loo yaqaano AMNIYAATKA balse hadda dagaal adag kula jiro hogaamiyaha kooxda Alshabaab Abu-Cubayda oo hadda ku sugan G/Jubadda dhexe halka Mahad Karateey la sheegaayo inuu ku suga yahay Galmudug waane halka degaan ahaan uu ka soo jeedo Mahad Karateey.

ISHA/CAASIMADDA.

HALKAN KA SI AKHRISO.