SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

NISA OO KU GUULAYSATAY INEY SOO XIRTO…

(SAWIRKA)-WARBAAHINTII ALSHABAAB OO LA SOO AFJARAY.

(MUQDISHO)-DEG DEG: War goor dhaw inaga soo gaaray caasimadda Muqdisho ayaa sheegaayo in Hayadda Sirdoonka Qaranka ee NISA iney qaaday kuna guulaysatay talaabo aad loogu baahnaay taaso ah in la soo Afjaro Warbaahinta u adeegta kooxda Alshabaab kana furan dibadda dalka Soomaaliya,Warbaahinta ey iska leheed kooxda Alshabaab ayaa waxa ey baahin jireen Wararka Alshabaab iyo Sawiradda been abuurka ah ey kooxdu ka soo qaado Goobaha dagaalka ee lagu jebiyo kooxda si ey niyadda ugu dhisto caruurta ey soo khaldeen. Tusaale ahaan kooxda ayaa shalay oo Talaada ahayd waxa ey baraheeda bulshada ku soo baahisay hadal uu bixiyey Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliyeed ey Alshabaab u yaqaaniin Murtadiin,Xildhibaanka ayaa amaan kala dul dhacay kooxda Alshabaab siiyeyne magac eysan mudneeyn,sida ey sheegtay NISA maanta Warbaahinadda Alshabaab laga xiray ayaa dhan 14-Warbaahin kuwaaso qaarkood la Aasa-Asay waqti fog looguna talagalay marin habaabinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku hoobanaayo Goobaha dagaalka sida dagaalkii dhawaan ka dhacay degaanka CAAD kaaso ey dhinteen dhallinyaro ey da’adoodu ka yar tahay 25-jiro.

ISHA WARKA/CAASIMADDA.

HALKAN KA SI AKHRISO.