SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

NISA OO GACANTA KU SOO DHIGTAY MAKAANIGII…

(SAWIRKA)-C/NAASIR XAAJI,MEKAANIG SAMEEYO QARAXYADDA.

(MUQDISHO)-Wararka aan ka heleyno magaaladda Muqdisho ayaa sheegaayo in Hayadda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA iney gacanta ku soo dhigtay xubin ka tirsan kooxda Alshabaab kaaso ka shaqeynaayey sameynta iyo hubinta gaadiidka loo adeegsado Qaraxyada. Ninka la soo qabtay ayaa lagu magacaabaa C/naasir Maxamed Xasan (Xaaji),waxa uu ahaa Makaanig xirfadle ah oo xubin muhiim ah ka ahaa kooxda Alshabaab gaar ahaan qeybta Qaraxyadda iyo Naftooda Haligayaasha. C/naasir Xaaji waxa uu kooxda u qaabilsanaay cilad bixinta iyo hubinta gaadiidka ka hor inta aan loo adeegsan falalka ismiidaaminta ah isagoo si gaar ah ugu lug lahaay diyaarinta ilaa sagaal gaari oo loo isticmaalay weerarada ka dhanka ah shacabka Soomaaliyeed. Gaari uu nuuciisu yahay HARRIER oo dhawaan lagu Qarxiyey Huteelka SYL ayaa ka mid ahaay gadiidka uu farsameeyey C/Naasir Xaaji,kaaso degaanka Ceelasha Biyaha uga soo dhiibay C/nasir naftii halige Daahir Nuur Jimcaale( Guri Ma leedahay) oo hadda la xukumay sida ey NISA sheegtay. Hayadda NISA ayaa cadeysay sida ey uga go’an tahay ciribtirka dhammaan xubnaha Alshabaab iyo cid kasta oo gacan geysaneysa fulinta falalka Argagixisada iyadoo xooga la saaraayo badbaadinta shacabka Soomaaliyeed iyo xasilinta dalka.

ISHA-SNTV.