NISA OO GACANTA KU SOO DHIGTAY DHAGAR-QABAYAAL.
(SAWIRKA)-SEDDEX DHAGAR-QABE OO MAANT LAGU QABTAY MUQDISHO.
(MUQDISHO)-Waxaa inagu soo fool leh Bishii Barakaysneed ee RAMADAAN waane bil shacabka Soomaaliyeed oo dhan ey wada sooman yihiin meel kasta oo ey adduunka ka joogaan laakinse bishaas Barakaysan waxay kooxda Alshabaab u tahay bishii ey daadin lahaayeen dhiiga shaacabka Soomaaliyeed ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya. Kooxda Alshabaab ayaa looga bartay sannadadii ey jirtay iney qaado weeraro u badan Qaraxyo ey ku dhintaan dad shacab ah oo aan waxba galabsan lana xarbinaayey nolol maalmeedkooda iyagoo Sooman,Muqdisho ayaa ah halka kooxda Alshabaab ey ka gaysan jirtay Qaraxyada lagu hoobto inta lagu guda jiro Bisha Barakaysan ee Ramadaan, DFS oo aad uga feejigan dhagarta kooxda Alshabaab ayaa qaaday talaabooyin lagu xoojinaayo Amniga caasimadda iyo hareereheeda waxa eyna DFS ku guuleysatay iney sugto Amniga caasimadda 95% halka hareeraha caasimadda weli ey ka jiraan weeraro ey gaystaan kooxda Alshaab uuna ugu dambeeyey weerarkii lagu dilay Nabadoon Cabdi Kaduud ee degmada Dayniile,hadaba maxaa saakay oo khamiis ah soo kordhay una baahan in la sheego? Hayadda Sirdoonka Qarabka ee NISA ayaa ku guulaysatay iney maanta gacanta ku soo dhigto dhagar-qabayaal maleegaayey Qaraxyo kana kooban laba dhagar-qabe iyo Amiirkooda,seddexdaan dhagara-qabe ayaa laga soo kale qabtay degmada Dharkinleey ee Gobolka Banaadir iyo degaanadda kala ah Ceelasha biyaha, Garas-baaleey iyo Ex-koontarool Afgooye,sida ey sheegtay NISA muddo ayaa kooxdaan lagu daba jiray lana tuhunsanaay iney yihiin rag ka tirsan koocxda Alshabaab Muqdishana ka fuliyey hawlo amni darro ah,ugu dambayntii maanta ayaa la soo qabtay waxaane ku socdo baaritaan si loogu gudbiyo hayadaha cadaaladda. LA SOCO WIXII KA SOO KORDHO.
ISHA/SB-MEDIA.