NISA OO FASHILISAY DIL LOO MALEEGAYEY MAWAADIN.
(SAWIR)-KA.HAYADDA SIRDOONKA QARANKA NISA.
(MUQDISHO)-Magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho waxaa si wanaagsan u soo hagaagaayo nabadeeda waxaane la arkaayey dadka magaaladda oo habeenkii xilli dambe isaga dhex lugeynaayo suuqyadda waa weyn,in magaaladda Muqdisho noqoto mid nabad ah ma aha mid iska timid ee waa hawl adag ey qabteen iskana kaashadeen hayadaha amaanka ee qaranka qeybahooda kala gedisan iyo shacabka G/banaadir,wixii horay uga dhici jiray caasimadda Muqdisho iyo sida ey maanta tahay waa wax aad u kala fog uuna ka sheekeyn karo qofkii u soo joogay,hadaba Amniga caasimadda ee soo hagaagay ma waxaa amaanteeda iska leh hayadaha amaanka mase shacabka caasimadda oo fahmay nabadu iney tahay mid loo baahan yahay? Labduba waa ey wada leeyihiin amaanta amniga caasimadda ee soo hagaagay waayo iskaashgooda ayaa ah midka mirahaan wanaagsan dhalay,hala yaabin hana igu dhibsan inaan kuu sheego in maanta oo kaliyah caasimadda Muqdisho lagu qabto seddex dhagarqabe kuwaaso hal ka mid ah la dilay ka dib markii uu isku dayey inuu la dagaalamo hayadaha amniga caasimadda,labadii kalane gacanta ayaa lagu soo dhigay ayagoo nool waxaane la horgeyn doonaa cadaaladda. Dhagar qabayaasha midna la dilay midne la qabtay ayaa rabay iney khaarijiyaan mawaadin Soomaaliyeed aan waxba galabsan kuna sugan degmada Dharkinleey ee G/banaadir,hayadaha amaanka ayaa sheegay in labada dhagarqabe xogtooda horay loo sii haayey balse aan la aqoon goobta ey rabaan iney ka hawlgalaan mida ey tahay.
ISHA/CONLINE.