SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

NISA IYO SHIRKADA HORMUUD KEEBAA KHALDAN?

(SAWIRKA)-MW-XASAN SHEEKH OO DIB UGU SOO LABANAYO MUQDISHO.

(MUQDISHO)-Wararka ka imaanayo caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud uu galabnimada maanta oo Isniin ah uu dib ugu soo laaban doono Xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia. Sababta keentay in MW-Xasan uu dib ugu soo laabto magaaladda Muqdisho ayaa ah in Xiisad culus ey soo kala dhex gashay Hayadda Sirdoonka Qaranka ee NISA iyo Shirkadda HORMUUD,arrintaan ayaa salka ku hayso arrimo isa saaran una baahan in la kala qaado waayo Hayadda NISA waxa ey soo saartay Qoraal ey kaga hadleyso hawsha ey qabatay iyo sababta ey u qabatay shirkadda Hormuudne waxa ey soo saartay Qoraal ey kaga hadleyso dhibkii loo gaystay shaqaalaheed ka hawlgala xarumo ku yaalo caasimadda Muqdisho,yaa saxan yaase khaldan inaga ma xugmin karno laakinse waxaa waajib ah in shirkadaha bixiya adeegyada buslshada sida Hormuud iyo Somtel iney si waafaqsan sharciga ula shaqeeyaan hayadaha Amaanka ey ugu horeyso hayada NISA. Dhinaca kale Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in arrintaan ka dhex taagan Shirkadda Hormuud iyo NISA ey tahay mid u baahan inuu soo farageliyo MW-Xasan Sheekh Maxamuud si looga gaaro xal waara oo kama dambaysa ah.

ISHA/SBM.