SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

NIN U SAFRAAYEY INUU KU BIIRO ISIS OO LA QABTAY.

(SAWIRKA)-MAXKAMADDA BALTIMORE.

(BALTIMORE)-Wararka ka imanaayo Gobolka Maryland ee dalka Maraykanka ayaa sheegaayo in nin u dhashay Gobolka Maryland lagu soo oogay dacwad ah inuu isku dayey inuu taageero dhinaca agabka ah uu u fidiyo kooxda ISIS,sidaas waxaa shalay oo Arbaca ahayd ku dhawaaqay Xafiiska Qareenka Maraykanka ee Gobolka Maryland. Michael Sam Teekaye Jr oo 21-jir ah oo degan degaanka Hanover ee Gobolka Maryland ee dalka Maraykanka ayaa laga xiray 14-kii bishaab Oktoobar/24-ka Garoonka Caalamiga ah ee Baltimore Washington, waxa uu Michael ka soo hor muuqday Garsooraha Maxkamadda Erin Aslan ka dib markii la soo xiray. Marka loo eego cabashad dembiga,Teekaye wuxuu wada hadalo badan la yeeshay sarkaal sirdoon ah intii u dhexeysay bilihii Maarso ilaa Abriil ee sannadkii tegay 2023-kii, Teekaye ayaa sarkaal u muujiyey rabitaankiisa ku biirista ururka ISIS uuna doonaayo inuu u safro Qaaradda Afrika si uu uga barbar dagaalamo kooxda ISIS ee dhibataada ba’an ku haysta shacabka Qaaradda Afrika.

ISHA-FOX5.

HALKAAN KA SII AKHRISO.