SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

NIN ISKU DAYEY INU KU BIIRO ALSHABAAB OO LA QABTAY.

(SAWIRKA)-KAREEM NASIR.

(NEW JERSEY)-Nin haysta dhashada dalka Maraykanka kuna noolaay Gobolka New Jersey ayaa lagu tashkiiliyey inuu ku biiro kooxda Xamaas ee reer Falastiin si uu qeyb uga noqodo weerarkii lagu qaaday Isra’iil todobadii bishii Oktoobar ee sannadkan-2023-ka,ninkaan ayaa isku dayey inuu ku biiro kooxda Argagixisadda ka dagaalanta dalka Soomaaliya ee Alshabaab si uu qeyb uga noqodo kuwa weerara danaha dalka Maraykanka ee bariga Qaaradda Afrika,sidaas waxaa shalay oo Jimca ahayd ku dhawaaqday Maxkamad heer Federaal ah kuna taalo magaaladda New York ee dalkaasi Maraykanka. Kareem Naasir oo ah mawaadin Maraykan ah kana yimid degaanka Lawrencville ee New Jersey dalka Maraykanka ayaa ka soo safray dalka Masar kuna sii jeeday dalka Kenya caasimadiisa Nairobi isagoo isku dayaayey inuu ku biiro oo uu tababar la qaato kooxda Alshabaab ee dalka Soomaaliya,sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Maxkamada degmada Koonfurta New york ee dalka Maraykanka,kooxda Alshabaab ayaa koox Jihaaiiste ah dalka Maraykankana uu u aqoonsan yahay Argagixiso. Kareem Nasir waa 23-jir waxaane xabsiga Nairobi la dhigay 14/12/23-ka waxaane maalintii Khamiista ahayd loo dhaafiyey dalka Maraykanka si halkaasi loogu Maxakamdeeyo,waxa uuna Kareem Nasir ka soo muuqday goor dambe oo shalay ahayd Maxkamad heer Federaal ah ayaa lagu yiri bayaanka. Kareem Naasir ayaa lagu soo oogay dacwado ah inuu isku dayey inuu taageero agab ah u fidiyo Urur Ajnabi ah oo loo aqoonsan yahay inuu Argagixiso,waxaane Kareem Nasir ugu badnaan lagu xukumi doonaa 20-sano oo xarig ah. Edeysanaha”Wuxuu naftiisa u huray inuu Jihaad rabshado ah ku qaado Maraykanka iyo Xulafadiisa si uu u fuliyo hawshiisa jihaadiga ah ee dhimashada iyo burburinta ah” sidaas waxaa qoraal uu soo saaray ku yiri xeer ilaaliyaha Maraykanka Damian Williams.

ISHA/THE TIMES.

HALKAN KA SI AKHRISO.