SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

NIN DAD KU AFDUUBTAY BANK.

CIIDAMADDA LIBNAAN .

(BEIRUT)-Dalka Libnaan waxa uu ka mid yahay dalalka eey ka dhacaan fal dembiyeedyo eey gaystaan dad hubaysan,fal dembiyeedyadaas ayaa waxaa ka mid ah mid ka dhacay maanta oo khamiis ah. Nin hubaysan ayaa waxa uu xoog ku qabsaday farac ka mida bangi eey leedahay xukuumadda Libnaan Bankiga ayaa ku yaalo galbeedka magaaladda Caasimadda ah ee Beeyruut wadada Guduudan. Ninkaan hubaysan ee dadka ku haystay gudaha Bankiga ayaa waxaa isku hareereeyey ciidamadda amaanka dalkaasi Libnaan galabnimadii maanta ka dib markii lala galay wada hadal qaatay todobo saac. Ninka afduubka gaystay ayaa la yiraahdaa Basaam Sheekh Xuseen waane 42-jir, waxa uuna Bankiga ku afduubtay dad gaaraayo lix qofood sababta uu Basaam u sameeyey afduubka ayuu ku sheegay ineey tahay in loo fasaxo lacagtiisa ka taalo Bankiga uu ka sameeyey afduubka.

ISHA WARKA MEE.

HALKAAN KA SII AKHRI