SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

NEW YORK: FADHIGII 78-AAD EE GOLAHA GUUD EE QM.

(SAWIRKA)-GOLAHA GUUD EE QARAMADA MIDOOBE.

(NEW YORK)-Hogaamiyeyaasha caalamka ayaa waxaa u bilawday fadhigii 78-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobe xaruntiisa dhexe ee ku taalo magaaladda New York ee dalka Maraykanka maanta oo Talaada ah(19/9/23)-ka,fadhigaan ayaa waxaa ka qeybgelaayo hal dal oo xubin ka ah Golaha Amaanka ee Qaramadqa Midoobe(UNSC) waane dalka Maraykanka. Hogaamiyeyaasha caalamka ee ka qeybgelaayo fadhigaan 78-aad ayaa si aad ah ugu kala qeybsan dagaalka dalka Yukrayn,mawduuca fadhiga sannadkan looga hadlaayo ayaa ah “Dib u dhiska is aaminaada iyo dib u yagleelida midnimada caalamka”. Fadhigaan 78-aad ayaa waxaa horyaalo arrimo ey tahay in si fiican looga hadlo sida dhibaatooyinka ey keentay dabeecadda sida labadii dhulgariir ee ku kala dhuftay dalalka Turkiga, Marooko iyo daadadkii dadka ku laayey dalka Libiya.

ISHA/MEE.

HALKAN KA SI AKHRISO.