NAYJERIYA OO DIB U HESHAY LACAG..
LACAGTI LAGA DHACAY NIGERIA.
(KANO)-Dawladda Maraykanka ayaa saxiixday ineey dalka Nayjeeriya dib ugu celineyso lacag dhan labaatan iyo seddex milyan($23-Million) oo doolarka Maraykanka ah,lacagta dib loogu celinayo Nayjeriya ayaa waxaa dalkaasi ka soo dhacay Madaxweynihii hore ee ciidamadda ka tirsanaay Ge.Sani Abacha sidaas waxaa maanta oo Arbaca ah sheegay Wasiirka Cadaaladda ee dalkaasi Nayjeeriya Abubakar Malami. Ma aha lacagtaan tii ugu horeysay ee dib loogu celiyo dalkaasi Nayjeriya waxaane jirtay lacago kale oo dib loogu celiyey dalka Nayjeriya sida sannadkii 2020-kii dawladda Maraykanka ayaa ogolaatay ineey dalka Nayjeriya dib loogu celiyo lacag dhan seddex boqol iyo sideed milayan($308-Million) oo doolarka Maraykanka ah,sannadkii 2006-dii dalka Switzerland ayaa dalka Nayjeriya waxa uu dib ugu celiyey lacag dhan todobo boqol iyo labaatan iyo seddex milyan($723-Million) oo doolarka Maraykanka ah,dawladda Nayjeriya ayaa sheegtay in lacagta soo noqotay lagu qaban doono adeega bulshada.
ISHA WARKA AA.