NAIROBI: MW-XASAN SHEEKH OO BERRI KA QEYBGELAAYO…
(SAWIRKA)-MW-XASAN SHEEKH IYO SAFIIRKA SOMALIA EE NAIROBI JIBRIL.
(NAIROBI-KENYA)-Wararka ka imaanayo caasimadda dalka Kenya ee Nairobi ayaa sheegaayo in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamuud uu soo gaaray magaaladda Nairobi ee dalka Kenya si uu uga qeybgalo shirka IDA-21 ee Madaxweynayaasha Qaaradda Afrika iyo Bangiga Adduunka oo dhici doono maalinta Isniinta Berri ah kuna beegan 29/4/24-ka. Shirka ey soo qaban qaabisay Hayadda Horumarinta Caalamiga ah ee IDA ee hoostagta Bangiga Adduunka ayaa waxaa diiradda lagu saari doonaa Horumarinta iyo Maalgashiga Qaaradda Afrika sidii loo xoojin lahaay iyada oo loo maraayo mashaariic Horumarineed oo waa weyn. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay magaaladda Nairobi ee dalka Kenya wuxuu kulamo gaar ah la yeelan doonaa Madaxda Afrika iyo masuuliyiinta ka socota Hayadda Horumarinta Caalamiga ah IDA si loo dardar geliyo iskaashiga u dhexeeya dalka Soomaaliya iyo Hayadaha Maaliyadda ee caalamiga ah. Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku soo beegmaya xilli dalka Soomaaliya laga cafiyey deyntii muddada dheer lagu lahaay taaso fursad u siineysa dalka Soomaaliya inuu soo jiito maalgashiyo caalami ah iyo Mashaariic Horumarineed.
ISHA/SNTV.