NAIROBI: DILAAGII LAAYEY DUMARKA IYO CARUURTA OO LA SOO QABAY.
(SAWIRKA)-DILAAGA.
(NAIROBI)-Wararka aan ka heleyno caasimadda dalka Kenya ee Nayroobi ayaa sheegaayo in ninkii ka dambeeyey dilkii ka dhacay xaafadda ey Soomaalida u badan tahay ee Islii ee magaaladda Nayroobi in gacanta lagu soo dhigay,dilkaaso ayaa loo gaystay seddex haween ah. Sida ey sheegeen booliska ninkan ayaa laga soo qabtay magaaladda gudaheeda,waxa uuna ku dhuumaaleysanaayey gudaha xaafadda Islii. Saraakiisha dembi baarista ayaa sheegay in baaritaanada ey muujinayaa in ninkaasi uu si sharci dara ah ku qaatay Kaarka Aqoonsiga Kenya. Waxa uu sidoo kale ahaa Sarkaal ka tirsan booliska Itoobiya ka hor inta aan la xirin oo xabsiga la dhigin. Ninkaan ey soo qabteen hayadaha Amaanka ayaa la rumeysan yahay inuu ka dambeeyey dil Arxan Darro ah oo loo geystay xunaha qoyska ka kooban hooyo,gabar iyo gabar 12-jir ah ey eedo u tahay, ninka ayaa Axada maanta ah lagu xiray xaafadda Islii ee magaaladda Nayroobi. Waxa uu sidoo kal ninkaan ahaa sarkaal ka tirsan booliska Gobolka Soomaalida degto ee dalka Itoobiya ka hor inta aan lagu xirin gudaha Itoobiya lana dhigin xabsiga sababo la xiriira sheegashada dilka Xaaskiisa isaga u dhaxday. Markii dambe waxa uu u baxsaday dalka Kenya ee Itoobiya deriska la ah halkaasoo uu ka sameystay saldhig,waxa uuna ganacsi Tagsi wedid ah ka bilaabay Xaafadda Islii iyo Parkland ee magaaladda caasimadda ah ee Nayroobi.
ISHA-THE STAR.