SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

Nabad iyo Nolol ma..

waxaa isa soo taraayo wararka sheegaayo in kooxda N/N quus ka taagan tahay waqti kororsigii eey ku haminaysay waayo waxaa soo baxay caqabado ka gudbidooda u baahan tahay waqti iyo in la geliyo dadaal badan taas bedelkeeda kooxda N/N ayaa hadda bilawday olole nuuca cusub ah kaasoo eey ka dhex arkeen dantooda. Isqabqabsiga iyo is aamin la’aanta ka dhex taagan hogaanka sare N/N ayaa door lixaad leh ku leh in si fudud uu u hakado dadaalkii loogu jiray waqti kororsiga,damaca haayo R/W-khayre waxa uu isna sababay in xididada loo siibo dhammaan masuuliyiintii shalay la soo halgantay N/N uuna keenay R/W-khayre waxaane ugu dambaysay Jihaan C/laahi Xasan oo ahayd agaasimihii wasaaradda Gaashaandhiga oo maanta lagu sameeyey shaqo joojin kaga timid dhinaca Madaxtooyadda,waa eey dhici kartaa sida dad badan oo ku dhaw madaxtooyada laga soo xigtay ineey is afdhaafeen Agaasime Jihaan iyo la taliyaha madaxweyne Farmaajo ee dhinaca amniga ninka la yiraahdo Cabdi Siciid Muuse taasne eey keentay in Jihaan lagu sameeyo shaqo joojin. Madaxweyne Farmaajo ayaa hadda bilaabay olole uu ku sameeysanaayo musharixiin uu isagu wato ineey maamul goboleedyada ka soo baxaan si berri isaga eey ugu codeeyaan,xogta la helay ayaa tibaaxday in Madaxweyne Farmaajo uu kulan gaar ah la yeeshay wasiirka Amniga Xildh.Ducaale,Salaad Cali Jeele,Cali Maxamed Geedi,C/laahi sheekh Xasan iyo maareeyihii hore ee dekadda Xamar mudane Cabdi Jiinow waxa uuna kala hadlay laba qodob oo aad muhiim ugu ah xilkiisa: 1-In loo wada guntado sidii looga hortigi lahaay qabsoomidda shirka Mudulood eey gadaal ka riixaayaan madasha xisbiyadda qaran oo ah cadawga kaliyah aan maanta leenahay. 2-In abaabul hadda loo galo sidii aan u heli lahayn xildhibaano ina taageersan kana soo gala maamul goboleedyadda dalka si berri eey noogu fududaato inaan ku guulaysano doorashadda. Hadaba N/N ma u muuqataa mid quusatay?