SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

MASAR OO KA SHAQEYNAYSO DEGANAASHA LA’AANTA ITOOBIYA IYO BARIGA AFRIKA.

Waxa aan la soconaa in dhibaato siyaasadeed iyo mid dhaqaale eey ka dhex taagan tahay wadamadda Masar,Suudaan iyo Itoobiya,arrintaan ayaa soo bilaabatay ka dib markii xukuumadda addis ababa bilawday ineey wabiga Niil ka dhisto biya xireen eey dhalinayso koronto laga isticmaalo dalalka Itoobiya iyo Jabuuti,biya xireenkaas ayaa waxa uu taabanaayaa beeraaleyda dalalka Masar iyo Suudaan kuwaaso noloshooda eey ku xiran tahay biyaha ka yimaado wabiga Niil KANA yimaado buuraha dalka Itoobiya,isku dayo badan oo la sameyey suuragal ma noqon in xal kama dambays ah laga gaaro biya xireenka Itoobiya waxaan abuurantay is colaadin u dhexeeysa dalalka Masar iyo Itoobiya waxaane dhacday in loo kala tartamo sidii loo kasban lahaay wadamadda deriska la ah Itoobiya sida soomaaliya,Jabuuti oo noqdeen kuwa eey dhici karto ineey sababaan inuu cirka isku shareero xalka ka gaaridda biya xireenka Itoobiya. Hadaba arrintaan ayaa waxaa wax ka qoray wargayska Anadolu ee dalka Turkiga waxa uuna sheegay isagoo soo xigaanaayo siyaasi reer Itoobiya ah inuu yiri”XUKUUMADDA QAAHIRA WAXA EEY ISKU DAYEYSAA INEEY DACIIFISO ITOOBIYA IYO ISBEDBEDELKA GOBOLKA GEESKA AFRIKA”. XIGASHO YENI SAFAK.

HALKAAN KA AKHRISO.