SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

MW-XASAN SH.MAXAMUD OO SOO SAARAY WAR SAXAAFADEED.

(SAWIRKA)-MW-XASAN SH.MAXAMUD.

(MUQDISHO)-Wararka ka imanaayo Muqdisho ayaa sheegaayo in Madaxweyne Xasan Sh.Maxamud uu war Saxaafadeed uu ka soo saaray talaabadii ey maanta qaadeen Xildhibaanada labada Gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed taaso ahayd iney maanta Ansixiyeen wax ka bedelka iyo dib u eegista Cutubyada 1-aad ilaa 4-aad ee Dastuurka Soomaaliya, MW-Xasan ayaa shaaca ka qaaday iney maanta tahay maalin weyn oo taariikhi ah taaso baal dahab ah ka geli doonto hanaanka dawlad dhiska dalka Soomaaliya ee mudada dheer soo socotay. Dhinaca kale, Madaxweynayashii hore sida Sheekh Shariif iyo Farmajo ayaa diidan in wax laga bedelo Dastuurka KMG ah waxa eyna u sababeeyeen inuu yahay mid aan loo dhammayn eyna ka maqan yihiin Puntand iyo Soomaaliland,halka Reysal Wasaarayaashii hore Xasan Cali Khayre, Cumar C/rashiid iyo Xildhibaan C/raxman C/shakuur ey iyaguna soo saareen qoraal ey ku diidan yihiin wax ka bedelka Dastuurka.

ISHA/CAASIMADDA.

RIIX HALKAN.