SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

MW-XASAN SH.MAXAMUD OO GAARAY KAMBALA.

(SAWIRKA)-KULANKA SOMALIA IYO YUGANDHA.

(KAMPALA-UG)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Yugaandha ee Kambaala ayaa sheegaayo in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Dr.Xasan Sheekh Maxamud uu maanta gaaray magaaladda Kambaala halkaaso si aad u diiran loogu soo dhaweeyey Madaxweynaha iyo wafdigiisa la socda. Madaxweyne Dr.Xasam Sheekh Maxamud ayaa waxa uu la kulmay dhigiisa dalka Yugaandha Md.Yoweri Museveni,waxa eyna labada Madaxweyne ka wada hadleen sii xoojinta xiriir labada dal gaar ahaan dhinacyadda Amniga,Dhaqaalaha iyo dagaaalka looga soo horjeedo Argagixisada AL-shabaab. Madaxweyne Dr.Xasan Sheekh Maxamud ayaa la filaa inuu galabta u ambabaxo magaaladda Daarusalaam ee dalka Tanzaniya si uu halkaas uga qeybgalo shir aan caadi ahayn oo looga arrinsanaayo colaada dalka jamhuuriyadda Dimuqaraadiga Koongo. Shirka Daarusalaam ayaa looga arrinsan doonaa colaadaha ka taagan Gobolka gaar ahaan tan hadda ka taag dalka DRC oo ey ku barakeceen kumanaan dad shacab ah eyna ku burburtay hanti aad u far badan ey dad shacab ah leeyihiin,dagaalka Koongo ayaa waxaa gadaal ka taagan dalka Ruwaanda oo raba in xukunka laga tuuro Madaxweynaha hadda haayo taladda dalka Koongo Md.Felix.

ISHA-SNTV.