SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

MW-XASAN SH.MAXAMUD OO DIGNIIN ADAG KA..

(SAWIRKA)-KULAN DEG DEG AH.

(MUQDISHO)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Dr.Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta shir gudoomiyey kulan deg deg ah oo muhiim ah kaaso looga hadlaayey la dagaalanka Maalgelinta Argagixisada,kulanka waxaa ka qeybgalay Gudiga Qaranka ee NAMLC,Hayadaha Amniga iyo kuwa kale oo muhiim u ah Dawladda Federaalka Soomaalia,shirka ayaa daba socdo guulihii horay ey DFS uga gaartay la dagaalanka Maalgelinta Argagixisada. Shirka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta dadaaladda lagu wiiqaayo Maalgelinta Argagixisada waxaane ka soo baxay go’aamo adag oo lagu beegsanaayo cid kasta oo ku lug yeelata Maalgelinta falalka Argagxisada. MW-Xasan Sheekh Maxamud ayaa carabka ku adkeeyey in gacan bir ah lagu qaban doono cid kasta oo ka qeyb qaadata dhaqdhaqaaq kasta oo lagu taageeraayo Maalgelinta Argagixisada. MW-Xasan ayaa faray Hayadaha DFS gaar ahaan kuwa Amniga iney qaadaan talaabooyin deg deg ah oo dhinacyo badan taabanaayo si loo joojiyo baadda ey kooxda ALshabaab ka qaado shacabka Soomaaliyeed. Sidoo kale,MW-Xasan ayaa digniin culus u diray Ganacstada iyo shacabka Soomalaiyeed isaga oo ku booriyey iney ka digtoonaadaan la macaailka kooxda ALshabaab. MW-Xasan ayaa cadeeyey in cid walba oo lagu helo ku lug lahaanshaha Maalgelinta Argaggixisada laga qaadi doono talaabooyin adag oo waafaqsan sharciga. DFS ayaa adkeyneysa dadaalkeeda ku aadan Ciribtirka ALshabaab si loo xoojiyo Amniga iyo Xasiloonida dalka Soomaaliya.

ISHA SNTV.