SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

MW-XASAN SHEEKHA OO SAXIIXAY..

GUDIGA DI U EEGISTA DASTUURKA(SAWIRKA).

(MUQDISHO)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay Gudiga Madaxa Banaan ee Dib u Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,gudigaan ayaa waxaa soo jeediyey in la sameeyo RW-Xamsa Cabdi Barre waxa uuna gudiga ka kooban yahay Gudoomiye iyo afar xubnood oo la shaqeynaayo. Gudigaan uu magacaabay RW-Xamsa ayaa soo maray Golaha Wasiiradda Xukuumada Soomaaliya ka dibne waxaa loo soo gudbiyey labada gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed si ey uga doodaan ka dibne u ansixiyaan si uu u saxiixo Madaxweynaha. Gudiga ayaa kala ah: (1)-Burhaan Adan Cumar-Gudoomiye. (2)-Axmed Maxamed Jaamac-Xubin. (3)-Maxamed Cabdalla Saalax-Xubin. (4)-Farxiyo Muumin Cali-Xubin. (Maxamed Xasan Idiris-Xubin.

ISHA WARKA SB-MEDIA.