SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

MW-XASAN SHEEKH OO XIL U MAGACABAY…

(SAWIRKA)-MW-XASAN SHEEKH IYO CALI JEYTE CISMAAN.

(MUQDISHO)-Marka laga hadlaayo dagaalka lagula jiro kooxda nabad diidka ah ee Alshabaab ayaa waxaan soo xusuusaneynaa wixii kooxda Alshabaab iyo reer Hiiraan kala gaaray taaso kooxda Alshabaab ilaa maanta laga dareemaayo goobaha laysku fara saaro taag daridooda. Gudoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya Md.Cali Cismaan Jeyte ayaa ahaay aabihii jabka kooxda Alshabaab ee Gobolka Hiiraan waxa uuna shacabka iyo Dwaladda Federaalka Soomaaliyeed tusay in kooxda Alshabaab la iska dhicin karo la iskana dulqaadi karo haddii la is kaashado,hadaba Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Md.Cali Jeyte Cismaan waxaa loogu magacaabay inuu noqdo u qeybsanaha Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Arrimaha ciidanka Difaaca dadweynaha ee loo yaqaano Macaawiisleyda.

ISHA/SB-MEDIA.