SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

MW-XASAN SHEEKH OO SOO XIRAY SHIRKII DHALLI..

(SAWIRKA)-MW-XASAN OO DHEX TAAGAN DHALLINYARADA.

(MUQDISHO)-Wararka laga helaayo caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Dr.Xasan Sheekh Maxamud uu maanta oo Khamiis soo xiray Shirweynihii shanaad ee Hogaaminta iyo Hal-abuurka ee dhallinyarada Soomaaliyeed, shirka ayaa muddo laba maalmood ah Muqdisho uga socday dhallinyarada kuwaaso ka kala yimid Muqdisho iyo Goboladda dalka. Madaxweyne Xasan Sh.Maxamuud oo soo xiray shirka ayaa goobta ka jeediyey Khudbad dheer uu ku bogaadinaayey dhallinyarada Soomaaliyeed,sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka hadlay xaaladda guud ee dalka iyo Arrimaha doorashooyinka dalka,wax uuna Madaxweynaha hoosta ka xariiqay in marnaba aan laga laaban doonin Qabsoomidda Doorasho Qof iyo cod ah taaso dalka ka bilaaban doonto bartamaha sannadka soo socdo ee 2025-ka. Xafladaan xiritaanka ahayd ayaa waxaa ka soo qeybgalay masuuliyiin ka kala socotay qeybaha ey ka kooban tahay DFS waxaane ka mid ah masuuliyiinta goobta joogta Wasiirka Dhallinyarad iyo Cayaaraha Md.Xildhibaan Maxamed Barre, Wasiirka Beeraha XFS Md.Xildhibaan Maxamed Maareeye iyo Xildhibaanada kala Xusul iyo Koos oo ka wada tirsan Golaha shacabka ee BJFS.

ISHA-SNTV.