SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

MW-XASAN SHEEKH OO SI DIIRAN LOOGU SOO DHAWEEYEY..

(SAWIRKA)-MW-XASAN IYO AMIIRKA QADAR OO KA QEYBGALAY SOO XIRITAANKA TABABAR CIIDAN.

(DOHA)-Ka dib markii uu ka qeybgalay shirarkii isku xigxigay kana dhacay caasimadda dalka Ugandha ee Kamaaabala MW-Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu safray dalalka Masar iyo Qadar,waxa uuna ku horeeyey dalka Masar isaga oo halkaasi kula kulmay Madaxweynaha dalka Masar Md.C/fataax EL-sisi,labada masuul ayaa ka wada hadlay arrimo xasaasi ah eyna ugu horeyso Damaca dalka Itoobiya uu ku doonaayo dhul badeed Soomaaliyeed iyo sidii la isaga difaaci lahaay damacaas. Intaas ka dib,MW-Xasan Sheekh iyo wafdigiisa waxa ey u gudbeen dalka Qadar waxaane halkaasi MW-Xasan iyo wafdigiisa ku soo dhaweeyey Amiirka dalka Qadar Tamiim iyo masuuliyiin sare kana tirsan dawladda Qadar,MW-Xasan iyo Amiirka Qadar Tamiim ayaa si wadajir ah waxa ey tababar ugu soo xireen ciidamo uu tababaray dalka Qadar eyna halkaasi u dirsatay Dawladda Federaalka Soomaaliya.

ISHA/CAASIMADDA.

HALKAN KA SI AKHRISO.