MW-XASAN SHEEKH OO SI DIIRAN LOOGU SOO DHAWEEYE ASMARA.
(SAWIRKA)-MW-XASAN OO GARAY ASMARA.
(ASMARA)-Wararka laga helaayo caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegaayo in Madaxweynaha Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamud uu galabnimada maanta oo Arbaca ah uu gaaray caasimadda dalka Eritereeya ee Asmara, safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ah midaan horay loo sii shaacin laguna soo xusin bogaga ey leedahay DFS. Madaxweynaha dalka Eritereeya Afewerk ayaa wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya Md.Xasan Sheekh ku soo dhaweeyey Garoonka diyaaradaha ee Caalamiga ah e magaaladda Asmara ee dalka Eritereeya,dhinaca kalane,Wasiirka Warfaafinta Eritereeya Md.Yemane ayaa xaqiijyey in labada Madaxweyne ey ka wada hadli doonaan arrimo la xiriira sii xoojinta xiriirka labada dal iyo Amniga Gobolka Geeska Afrika gaar ahaan Amniga Biyaha Badda Cas. Dalka Eeritereeya ayaa horay waxa ey uga hadashay Heshiiskii Ankara ee dhacay 11-kii bishaan Diseembar-2024-ka kaaso dhexmaray dallaka Soomaaliya iyo Itoobiya, waxa eyna sheegtay Eritereeya in ey ka fiirsan doonto xiriirka ey la leedahay Soomaaliya amaba ey jari doonto xiriirka haddii Soomaaliya ey dalka Itoobiya siiso bad.
ISHA-SBM.