SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

MW-XASAN SHEEKH OO SHIR GUDOOMIYEY…

(SAWIRKA)-GOLAHA AMNIGA QARANK EE SOOMAALIYA.

(MUQDISHO)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir Gudoomiyey Shirka Golaha Amniga Qaranka oo lagaga hadlay dardargelinta hawlgalka ciribtirka kooxda Alshabaab,dhammaystirka bixitaan ciidamadda ATMIS iyo u diyaar garawga qorshaha hawlgalka kooban ee lagu xaqiijinaayo Amniga marka dalka ey ka baxaan ciidamadda ATMIS. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhegaystay warbixin ku saabsan qorshaha horumarinta Amniga dalka,MW-Xasan ayaa ku adkeeyey hayadaha Amniga iney ka dhabeeyaan hirgelinta habraaca Xakamaynta Hubka iyo Rasaasta ee lagu maamulo dalka,ka dib qaadistii cunaqabateynta hubka,MW-Xasan ayaa tilmaamay in guusha laga soo hoyiyey qaadista cunaqabateynta hubka ey aas-aas u ahayd hirgelinta qorsha ilaalinta saanadda iyo hubka ciidamadda qalabka sida.

ISHA/VILLA SOMALIA.