MW-XASAN SHEEKH OO SHIR GUDOOMIYEY SHIRKII AMNIGA EE..
(SAWIRKA)-SHIRKII AMNIGA CAASIMADDA.
(MUQDISHO)-Wararka ka imanaayo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Dr.Xasan Sheekh Maxamuud ahne Taliyaha Guud ee Ciidamadda Qalabka Sida ee Soomaaliya uu maanta oo Talaada ah shir Gudoomiyey shirka Amniga Gobolka Banaadir oo looga hadlaayey dardar gelinta talaabooyinka loo qaaday xaqiijinta Amniga Caasimadda Muqdisho. kulankaan oo markii ugu horeeysay loogu wada yeeray Gudoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo degaanadda ku xeeran caasimadda ayaa waxaa warbixin looga dhegaystay Masuuliyiinta Hayadaha Amniga Qaranka iyagoo soo bandhigay Qorshayaashooda hawleed ee ku aadan ilaalinta Nafta,hantida iyo sharafka Mawaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan caasimadda Muqdisho. Kulanka maanta ayaa waxa ka qeybgalay Reysal Wasaaraha XFS Md.Xamsa Cabdi Barre,Wasiirka Amniga Qaran Md.Senitar Fartaag, Wasiirka Gaashaandhiga Md.C/qaadir Maxamed Nuur(Jaamac),Gudoomiyaha G/Banaadir Md.Yuusuf Xuseen Jimcaale(Madaale),Taliyeyaasha Ciidmaadda iyo Gudoomiyeyaasha degmooyinka G/banaadir iyo degaanadda ku hareereysan Caasimadda Muqdisho.
ISHA/SB-MEDIA.