MW-XASAN SHEEKH OO QABTAY SHIR JARAA’ID KANA HADLAY…
(SAWIRKA)-MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD.
(DHUSAMAREEB)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Dr.Xasan Sheekh Maxamuud kuna sugan caasimadda Dawlad Goboleedka Galmudug ayaa maanta oo Talaada ah waxa uu qabtay shir jaraa’id uu kaga hadlaayey arrimaha taagan ee dagaalka lagula jiro kooxda Alshabaab. Sabtidii ayey ahayd markii ey kooxda Alshabaab weerar culus ku soo qaaday saldhiga Cawsweyne ey wada deganaayeen ciidamadda XDS iyo xoogaga dib u xureynta degaanka,dagaalkan ayaa waxaa ka dhashay khasaaro aad u fara badan oo naf iyo maalba leh mana la yaqaano ilaa hadda tirada dhabta ah ee dhimashada marka laga reebo tirada ey sheegtay kooxda Alshabaab. Weerarka Alshabaab ee Cawsweyne ayaa dhaliyey shaki aad u balaaran kaaso u dhexeeyo saraakiisha ciidamadda iyo masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda G/dhiga ee DFS. MW-Xasan ayaa shirkiisa jaraa’id kaga hadlay arrimo fara ey ka mid tahay tan Cawsweyne beene ku sheegay iney jiraan ciidamo ka soo baxay aagaga hore ee furimaha dagaalka ee bariga Galmudug.
ISHA/VOA-SOMALIA.