SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

MW-XASAN SHEEKH OO MAALINTII LABAAD KU SUGAN..

(SAWIRKA)-MW-XASAN OO KU SUGAN WARGAADHI.

(MUQDISHO)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sh.Maxamuud oo u kuur gelaayo xaaladda Ciidamadda Qalabka Sida iyo furimaha dagaalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab ayaa degaanka Wargaadhi ee G/Shabeeladda Dhexe kulan adag kula qaatay Odayaasha Dhaqan iyo Hormuudka Bulshadda degaanka Wargaadhi. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kala hadlay Odayaasha degaanka Wargaadhi doorkooda ku aadan xoreynta degaanadda ey Alshabaab kaga harsan yihiin G/Shabeeladda Dhexe isagoo xusay sida ey DFS ugu diyaarisay Qalabka,Gaadiidka,Xarumaha Ciidanka iyo Hubkii lagu dhammaystiri lahaay Xoreynta dalka. Sidoo kale,Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo kormeeray Saldhiga mileteri ee laga hirgeliyey degaanka Wargaadhi kaaso u fududeynaayo Ciidamadda Qalabka Sida ee Soomaaliyeed baahiyaha farsamo ee muhiimka u ah jiida hore ee dagaalka iyo dhammaystirka hawlgalka dalka lagaga xoreynaayo kooxda Alshabaab.

ISHA/SNTV.